Wasiirka arrimaha dibadda soomaaliya oo qaabiley Wafdi tagay Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ee dowladda federaalka soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Markus Bollmohr, Ku xigeenka Safiirka Germany ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Waxaa qaabilaadda goob-joog ka ahaa Agaasimaha Waaxda Yurub iyo Ameerika ee Wasaaradda, Mudane Cabdiladiif Maxamuud Cali.
Intii kulanka lagu guda-jiray waxaa la isla eegay xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee saaxiibada ah u dhexeeya si loo adkeeyo wax wadaagga istiraatiijiyadeed.
Sido kale waxay mas’uuliyiintu isla fallanqeeyeen dhowr arrimood oo labada dal muhiimad u leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here