Wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya oo digniin u diray maamulayaasha aan waajibaadkooda gudan

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i ayaa digniin adag u diray guddoomiyaasha xaafadaha iyo maamulayaasha dowladda dhexe ku matalo deegaanada kala duwan ee aan sida haboon u gudan waajibaadka saaran.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in tallaabo sharciyeed laga qaadi doono mas’uulkii deegaan ama xaafad uu maamulo lagu dhex iibiyo khamriga iyo waxyaabaha maanka dooriya.
Dr. Matiang’i ayaa xusay in isticmaalka daroogada ay sabab u tahay kiisaska faraxumeynta, kufsiga , dilalka iyo falal dambiyeedyada kale ee kordhay.
Wasiirka ayaa ku nuuxnuuxsaday in laga soo billaabo guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka ilaa ku xigeenka guddoomiye xaafadeedka lagula xisaabtamayo fal dambiyeed kasta oo dhaco.
Wuxuu intaa ku daray in waxqabadka maamulayaasha lagu qiimeynayo sida ay ula dagalamaan falalka wax u dhimaya xasiloonida iyo horumarka bulshada.
Matiang’i ayaa arrinkan ka hadlay xilli uu shir guddoomiyay kulan ka dhacay ismaamulka Nyamira .
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta oo shirkaas qaab muuqaal ah kaga qayb galay ayaa guddoomiyaasha xaafadaha iyo ku xigeenadooda ku booriyay inay xoogga saaraan shaqada ay dowladdu ku ogtahay ee loo igmaday.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here