Wasiirka arrimaha gudaha oo cambaareeyay jirdil ay booliska gaysteen

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Fred Matiang’i ayaa si kulul u cambaareeyay howlgal ay shalay qaar ka mid ah ciidamada ammaanka ka fuliyeen golaha hoose ee ismaamulka Nairobi oo lagu jirdilay wakiilka deegaanka hoose ee Mlango Kubwa Patricia Mutheu .
Dr. Matiang’i ayaa amar ku bixiyay in cid kasta oo ku suganayd golaha oo hubkeeda si aan habooneyn u isticmaashay lagala wareegay.
Wasiirka ayaa xusay in ilaa iyo hadda 14 qoryo ah laga helay xarunta golaha hoose ee Nairobi.
Dhanka kale Matiang’I ayaa sheegay in xeer ilaaliyaha guud ee dalka Mr. Paul Kihara laga doonayo inuu xaqiijiyo amarrada maxkamadda ka hor inta ciidamada booliska aynan ku tallaaba qaadin.
Hadalka wasiirka arrimaha gudaha ayaa ku soo aadaya iyadoo maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliska dalka ee IPOA uu guda galay baaritaano la xiriira xadgudubkii dhacay ee lagu dhaawacay Patricia Mutheu .
Ciidamada ammaanka ayaa xilligaas ka falcelinayay iskuday ku aadaana in si khasab ah xafiiska looga saaro guddoomiyaha golaha hoose ee Nairobi Beatrice Elachi.
Guddoomiyaha maamulka IPOA Anne Makori ayaa sheegtay inay xiriir la sameyeen dad ku sugnaa golaha xilli uu qalalaase dhacay.
Waxay intaa ku dartay in baaritaano qoto dheer la sameynaya si loo ogaado kaalinta ciidamada ammaanka ee howlgallada ka fulinayay xarunta golaha hoose ee dowlad deegaanka Nairobi.
Haweeneyda la jirdilay oo ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen ayaa sheegtay in iyadoo sharciga raacaysa ay caddaalad raadsan doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here