Wasiirka arrimaha gudaha oo dhaliilay shacabka islii iyo Old Town oo ka tirsan Mombasa

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Fred Matiangi ayaa dadweynaha ku nool xaafadda islii ee deegaanka Kamukunji magaaladatani Nairobi iyo sido kale shacabka xaafadda Old Town ee Mombasa ku dhaliilay inaynan u hoggaansamin amarrada dowladda.
Matiangi ayaa carrabka ku dhufay in kiisaska caabuqa coronavirus ee laga diiwaangeliyay xaafadahan ay kordheen sababtoo ah sida uu hadalka u dhigay qaar ka mid ah dadweynaha ayaan ku baraarugsaneyn khatarta jirta.
Waxaa uu ku baaqay in la raaco amarrada dowladda iyo talooyinka caafimaad ee lagula dagaalamaya cudurka covid-19.
Wasiirka ayaa ku nuuxnuuxsaday in dowladda ay aad uga gaabsatay inay ku dhawaaqdo tallaabooyin ay saameyn dheeraad ah ka dhalan karto balse hadii ay dantu keento la shaacin doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here