Wasiirka arrimaha gudaha oo ka digay in la siyaasadeeyo barnaamijka Kazi Mtaani

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Dr. Fred Matiang’I ayaa hoggaamiyaasha wadanka uga digay inay siyaasad u bedelaan barnaamijka ay dowladda shaqo abuurka ugu sameysay dhalinyarada ee Kazi Mtaani.
Matiang’i ayaa xusay inay ka faa’iideen kumanaan dhalinyaro ah sidaas awgeedna aan loo baahneyn in lagu wajaho dhaliil aan loo fiirsan.
Hadalka wasiirka ayaa yimid kaddib markii qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka iyo guddoomiyaasha ismaamullada ay sheegeen in dhalinyarada aan si siman loo shaqalaysiin.
Wasiirka ayaa madaxda siyaasadeed ka codsaday inay iyagana billaabaan barnaamijyo lagu howlgelinayo dhalinyaro badan.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday inaynan suurtagal ahayn in dowladda dhexe ay shaqo abuur u sameyso dhammaan dhalinyarada.
Toddobaadkii hore ayay xildhibaanada baarlamaanka dowladda ka dalbadeen inay joojiso barnaamijka Kazi Mtaani .
Waxay sheegayaan in aan horay qorsho wanaagsan loo dejin ka hor inta uusan madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta daahfurin.
Xildhibaanada ayaa hoosta ka xarriiqay in nidaamkan uu waddo u furaya in la lunsado kheyraadka dadweynaha.
Wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta qaranka Mr. Ukur Yattani ayay u sheegeen in barnaamijkan uunan wax ku ool ahayn sidaas awgeedna dowladda laga doonayo inay dib u eegis sameyso.
Xubnaha baarlamaanka dalka ayaa sido kale go’aankooda ku saleeyay in dhalinyarada deegaanada ay cabasho ka muujinayaan in aan si siman loo shaqalaysiin.
Waxay mudanayaasha sido kale sheegeen in aan la isku dheeli tirin shaqooyinka ay dhalinyarada qabtaan iyo lacagaha la siiyo.
Xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Limuru Peter Mwathi ayaa sheegay in barnaamijkan uu kala qaybsanaan ka dhex abuuray da’yarta.
Dowladda dhexe ayaa horay u sheegtay in ugu yaraan 270,000 oo dhalinyaro ah ay barnaamijkan oo laga fulinayo deegaanada kala duwan ee wadanka ka faa’iidaysan doonaan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here