Wasiirka arrimaha gudaha oo ka soo hormuuqday guddiga ammaanka ee aqalka sare

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i ayaa maanta ka soo hormuuqday guddiga aqalka sare u qaabilsan amniga qaranka, gaashaandhigga iyo xiriirka dibadda.
Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee twittarka ku sheegtay in Matiang’i uu hakiyay fasax la siiyay golaha wasiirada.
Waxaa wehelinaya xoghayaha sare ee wasaaradda arrimaha gudaha u qaabilsan dhanka maamulka Xuseen Daado.
Sido kale waxaa jiro warar sheegaya in warbaahinta loo diiday inay si toos ah u tabiyaan kulanka guddiga aqalka sare ee uu wasiirka kaga jawaabayo su’aalo ku saabsan tallaabadii maalinkii isniinta lagu xiray saddex senatar.
Senatarrada ayaa xilligaa isku diyaarinayay inay ka qaybgalaan doodda ku saabsan sida ismaamullada ay u qaybsanayaan dakhliga ee dib loo sii dhigay.
Tallaabada ay qaadeen saraakiisha ammaanka ayaa siyaabo kala duwan looga hadlay.
Qaar ka mid ah senatarrada ayaa maalinkaas dalbaday in saddexda xubnood la soo daayo si ay u adeegsadaan xuquuqdooda dastuuriga ee matalaadda shacabka.
Dr. Matiangi iyo abaanduulaha booliska Mr. Hillary Mutyambai ayaa lagu amray inay ka soo hormuuqdaan guddiga uu hoggaamiyo senatarka ismaamulka Garissa Maxamad Yuusuf Xaaji.
Waxaa sido kale loo yeeray xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Karanja Kibicho, xeer ilaaliyaha guud ee dalka Kihara Kariuki iyo madaxa waaxda dambi baarista dalka George Kinoti.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here