Wasiirka arrimaha gudaha oo kormeeray dhismaha xarunta la dagaalanka argagixisada

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiangi ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta qeybta booliska ee qaabilsan la dagaalanka argagixisada.
Waxaa uu indhaindheeyay sida uu u socdo dhismaha mashruuc arrinkan ku aaddan oo laga fulinayo magaalada Mombasa ee gobolka xeebta.
Mashruucan waxaa maalgelinaysa dowladda Britain iyadoo marka dhismaha la dhameeyo kaddib xaruntaasi ay fududeyn doonto howlaha lagula tacaalayo falalka argagixisada.
Dr. Matiangi waxaa socdaalkiisa ku wehelinayay abaanduulaha booliska Mr. Hillary Mutyambai , safiiradda ingiriiska ee Kenya JaneMarriott iyo saraakiil sar sare oo booliska ka tirsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here