Wasiirka arrimaha gudaha oo ku sugan Garissa

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiangi ayaa maanta magaalada Garissa ku sugan wuxuuna halkaasi ka wadaa kulamo kala duwan.
Dr. Matiangi ayaa lagu soo warramayaa inuu shir la qaatay saraakiisha ammaanka ee gobolka waqooyi bari , guddoomiye xaafadeedyada iyo barasaabyada ismaamullada Garissa, Wajeer iyo Mandera.
Waxaa uu sido kale qorshuhu yahay inuu kulan gaar ah la qaato waxgaradka dowlad deegaanada waqooyi bari.
Saraakiil sar sare oo uu hoggaaminayo abaanduulaha ciidamada booliska dallka Mr. Hillary Mutyambai oo maanta tagay ismaamulka Garissa ayaa kulanka ka qeyb galaya.
Qoraal saacado ka hor la soo dhigay barta rasmiga ee twitarka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka ayaa arrinkan shaaca looga qaaday.
Kulamadan ayaa ku soo aadaya maalmo un kaddib markii madaxda ismaamullada Garissa, Wajeer iyo Mandera ay ka shireen xal u helidda weerarrada argagixiso .
Waxyaabaha Garissa lagu soo jeediyay waxa ka mid ahaa in shacabka la hubeeyo si ay kaalin ugu biiriyaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada.
Hasa ahaate barasaabka ismaamulkaas Cali Bunow Qorane ayaa xusay inay wada tashi la yeelan doonaan dowladda dhexe si loo ansaxiyo arrimaha lagu talinaya.
Wajeer ayaa waxaa sido kale ka dhacay kulan ay si wada jir ah u guddoominayeen baraasabka Wajeer Maxamad Cabdi Maxamuud iyo guddoomiyaha dowladda dhexe halkaas ku matalo Jacob Narengo .
Barasaabka dowlad deegaanka Wajeer Maxamad Cabdi Maxamuud ayaa bartiisa rasmiga ee Facebook-ga waxaa uu soo dhigay qodobbada ay mas’uliyiinta ku heshiiyeen oo gaaraya ilaa 18.
1. In la aqoonsado shakhsiyaadka looga shakiyo inay Al-Shabaab xubno ka yihiin ,qaraabadooda iyo dadka beer jilleeca u muujiya.
2. Saraakiisha ammaanka iyo booliska qaran ee keydka in iyagoo lugeynaya ay maleeshiyada uga daba tagaan duurka.
3. In la xoojiyo barnaamijka Nyumba Kumi ee ay xaafadaha dariska ah isaga war qabaan si gacanta loogu dhigo qof kasta oo aan la garan ama halkaas ku cusub.
4.In la diiwaangeliyo qoryaha sharci darrada ee ku jiro gacanta xoolo dhaqatada sido kalena lala yimaado istaraatiijiyad lagu aqoonsanaya dadka sumcadda wanaagsan ee gacan ka gaysan karo dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab.
5. Dadweynaha in wacyigelin loo sameeyo oo fursad loo siiyo soo gudbin macluumaadka ay hayaan ee dhanka sirdoonka ah ama waxyaabaha ay ka shakiyaan.
6. In qof kasta oo laga shakiyo ama aan la garaneyn lagu war geliyo saraakiisha ammaanka.
7. Dhammaan madaxda inay ka war qabaan dhaqdhaqaaqyada sharci darrada ama kuwa lagu tuhmayo Al- Shabaab ee deegaanadooda ka jiro.
8.Xubnaha hannaanka isku dubarida ee dowladda dhexe sida ku xigeenada jiifafka ama guddoomiye xaafadeedyada ilaa iyo ku xigeenada guddoomiyaasha ee deegaanada inay mar kasta ku sugnaadaan meelaha ay ka shaqeeyaan.
9. In la wanaajiyo kalsoonida ka dhaxaysa shacabka iyo ciidamada ammaanka si loo helo xog run ah oo la isku haleyn karo.
10. Laamaha ammaanka inay qaadaan tallaabooyin iyo falcelin degdeg ah marka warbixin loo soo gudbiyo.
11. In dhibaatada Al -Shabaab si cad looga hadlo iyadoo aan laga cabsaneyn in qofka la dabagalo ama hadalkiisa loo qabto.
12. In laga fogaado waxyaabaha si fudud kala qeybsanaanta ku keeni karo sida qabyaaladda , siyaasadda iyo kala duwanaanshaha diimeed si argagixisada aynan waddo ugu furmin.
13. Laamaha ammaanka in la siiyo hubka noocyadiisa casriga iyo qalabka ay u baahan yihiin ee dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ay u adeegsan karaan.
14. In dhiirigelin loo sameeyo ama laga farxiyo saraakiisha booliska keydka ama NPR iyo muwaadin kasta oo falalka Al -Shabaab ka hor tago.
15. Culimaaudiinka inay shacabka la wadaagaan oo ayna u caddeeyaan waxa diinta islaamka ay ka qabto dilka bani’aadanka.
16. Saraakiisha ammaanka inay ilaaliyaan oo aynan dusin xogta ama macluumaadka iyo sido kale qofkii u soo sheegay.
17. In la wanaajiyo qaabka loo wadaago arrimaha sirdoonka iyadoo si qoto dheer loo eegaya warbixinta la soo gudbiyo iyo in saraakiisha sirdoonka oo badan ay ka howlgalaan deegaanada.
18. In madaxda ay ka go’an tahay in mudnaanta koowaad la siiyo sidii kheyraadka la haysto loogu adeegsan lahaa la dagaalanka Al Shabaab.
Shirkii ka dhacay Mandera ayaa laga soo saaray war murtiyeed ka kooban qoddobo dhowr ah.
Barasaabka dowlad deegaanka Mandera Cali Ibrahim Roba ayaa sheegay in madaxda iyo shacabka oo dareensan waxyaabaha ay dani ugu jirto , horumarka ay u baahan yihiin iyo khatarta argagixisada , xagjirnimada , dagaal beeleedyada iyo saboolnimada ay kulan isugu tageen.
Qodobbada shirkaas ka soo baxay ayaa lagu sheegay
1.Bulshada waa inay sii waddo inay saraakiisha ammaanka la wadaagto macluumaadka sirdoonka ee lagu tallaaba qaadi karo.
2. Ciidamada ammaanka inay si degdeg ah falcelin u sameeyaan ama tallaabo u qaadaan markii warbixin lala wadaago.
3. In la xoojiyo ololaha dhanka maskaxda iyo qalbiga si looga badbaado in Al-Shaab ay dad hor leh shaqaaleysiiso.
4. Waxaa la doonaya dadaalo lagu soo dhisaya xiriir wanaagsan oo ka dhaxeeya shacabka iyo laamaha ammaanka.
5. In kulamada la qabanaya loo daadajiyo deegaan baarlamaaneedyada iyo deegaanada hoose ama Wards.
6. Waxaa sido kale go’aan lagu gaaray in bulshada Mandera ay iska celiso Al-Shabaab qaab kasta oo la adeegsado iyadoo la xoojinaya nidaamka ay shacabka uga shaqeeyaan ammaanka ee community policing iyo Nyumba kumi.
7. In la dhaqangeliyo qorsho howleedka ismaamulka Mandera ee loo yaqaano County Action plan iyadoo la kaashanaya saaxiibbada iyo daneeyasha.
8. In la taageero dhisidda qeyb gaar ah oo booliska keydka qaran oo loo xilsaaraya la dagaalanka Al-Shabaab.
9. In xilli hore dugsiyada lagu soo bandhigo ama manjahka ay qeyb ka noqoto la dagaalanka argagixisada si ay uga dhalato waddaniyad iyo dareen qaranimo.
10. In la badiyo ciidamada aan dareeska ku labisneyn ama dhar cadda loo yaqaano ee sirdoonka si ay bulshada qeyb uga noqdaan.
11. Sido kale waxaa loo baahan yahay ciidamo dheeraad oo kuwa keydka gaar ahaan meelaha aynan joogin ama ay ku yaryihiin.
12. In si dhameystiran loo qalabeeyo saraakiisha qaran ee keydka ee NPR .
13. In aqoonta la xiriirta la dagaalanka argagixisada ee CVE la gaarsiiyo deegaanada iyo tuulooyinka sido kalena sare loo qaado ololaha maskaxeed iyo kan qalbiyeed .
14. In xal loo helo shaqa la’aanta sarreysa ee dhalinyarada oo lagu tilmaamay bambo qarxi rabto oo kale.
15. In la codsado in ciidamada difaaca dalka ee KDF-ta la geeyo xuduudda si ay amniga u sugaan.
Saameynta gobolka ku timid ayaa waxaa ka mid ah dhanka tacliinta kaddib markii weeraro lagu dilay 7 qof oo saddex ka mid ah ay macallimiin ahaayeen ay ka dhaceen tuulooyinka Sareedo iyo Kamuudeey ee ka kala tirsan Dadaab iyo Faafi.
Dhacdooyinkaas kaddib, macallimiinta aan dhalasho ahaan ka soo jeedin gobolka ayaa billaabay inay isaga soo tagaan dugsiyadii ay wax ka dhigayeen iyagoo dalbanaya in la soo beddelo.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa barayaasha ugu baaqay inay dugsiyada ku sugnaadaan maadaama ammaanka si weyn loo sugayo.
Wixii faahfaahin oo qodobkan ku soo kordho dib ayaad kala socon doontaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here