Wasiirka arrimaha gudaha oo kulan la qaadanaya madaxda galbeedka dalka

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr. Fred Matiang’i ayaa maanta la kulmaya xildhibaannada iyo barasaabyada ismaamullada galbeedka dalka.
Shirka ayaa ka dhacaya machadka horumarinta manaahijta ee KICD ee magaaladatani Nairobi.
Matiangi ayaa sido kale ah guddoomiyaha guddiga dowladda dhexe u qaabilsan dhaqangelinta ajeendayaasha horumarineed iyo isgaarsiinta ee (NDICCC).
Shirka ayaa ku saabsan dib u eegis lagu sameynaya mashaariicda horumarka ee laga fulinayo gobolkaas.
Madaxda shirka wada tashiga ah la yeelanaya Dr. Fred Matiang’i ayaa ka kala yimid ismaamullada Busia, Vihiga, TransNzoia, Kakamega iyo Bungoma waxaana hoggaaminaya barasaabka dowlad deegaanka Kakamega ahna guddoomiyaha golaha COG Mr. Wycliffe Ambetsa Oparanya.
Dr. Matiang’I ayaa sheegay in dowladda dhexe ay gacanta ku soo dhigi doonto sido kalena dacwad lagu soo oogaya qandaraasleyda aan sida habboon u fulin mashaariicda loo xilsaaray.
Waxaa uu wacad ku maray in qof kasta oo qandaraas la siiyay shaqadii laga rabayna aan dhameystirin lagula xisaabtamaya lagana wareejinaya qandaraaska.
Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay inuu dhawaan socdaal ku tagi doono gobolka galbeedka wadanka oo uuna diiradda saari doono sidii ay u wada shaqeyn lahayeen madaxda kala duwan ee la soo doortay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here