Wasiirka arrimaha gudaha oo sheegay in amniga dalka si weyn loo sugay

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr. Fred Matiang’i ayaa shaaca ka qaaday in ammaanka si weyn loo adkeeyay oo aynan jirin cabsi ku aaddan in gudaha wadanka uu weerar argagixiso ka dhaco.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in la qaaday tallaabooyin dhowr ah oo lagu xaqiijinayo badqabka shacabka.
Dr .Matiang’i ayaa xusay in ciidamada ammaanka ay diyaar u yihiin inay ka hor tagaan hadii uu dhacana sida ku habboon ay uga falceliyaan weerar kasta.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu socdaal aan horay loo sii shaacin ku tagay dhismaha Thika Road Mall oo maalinkii 18,000 ilaa 20,000 oo qof ay ka dukaameystaan.
Wasiirka ayaa intaas ku daray inay la jaanqaadayaan isbedelka ku yimid xeeladaha ay adeegsadaan kooxaha loogu yeero argagixisada.
Dabayaaqadii bishii hore ayay ahayd markii Maraykanka uu ka digay in la bartilmaameedsan karo mid ka mid ah maqaayadaha caanka u ah dalxiisayaasha ee Nairobi.
Hasa ahaate abaanduulaha booliska Mr. Hilary Mutyambai ayaa dadweynaha kula taliyay inaynan wax walaac ah muujin maadaama dowladda ay sameynayso wax kasta oo suurtagal ah si muwaadiniinteeda aynan dhibaato u soo gaarin.
Mutyambai ayaa xusay in xog kastsa oo ay dadweynaha soo gudbiyaan oo ku saabsan dhaqdhaqaaqyada laga shakiyo ee xuduudda dalka sida ugu dhaqsiyaha badan loogu tallaaba qaadaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here