Wasiirka arrimaha gudaha oo sheegay in barasaabyada ismaamullada aynan xuduudda xiri karin

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Fred Matiang’I ayaa sheegay in guddoomiyaasha ismaamullada aynan awood dastuuri ah u lahayn inay xiraan xadka ay la wadagaan dowlad deegaanka dariska la ah.
Sido kale waxaa uu xusay in saraakiisha booliska aynan dhaqangelin Karin amar ka soo baxay barasaab kaasoo lagu xiraya xuduudda.
Dr. Matiang’I ayaa arrinkan ka hadlay xilli uu la kulmay xildhibaannada baarlamaanka.
Waxaa uu sharci darro ku tilmaamay amar kasta oo ka soo baxo guddoomiyaha ismaamulka oo lagu mamnuucaya in dowlad deegaankaas la galo ama laga soo baxo.
Wasiirka ayaa sheegay in go’aammada noocan oo kale ah uu qaadan karo oo keliya golaha qaran ee amniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here