Wasiirka arrimaha gudaha oo sheegay in booliska aan laga hor istaagi karin la tacaalidda rabshadaha

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Fred Matiangi ayaa sheegay inaysan jirin cid ciidamada ammaanka ka hor istaagi karto gudashada waajibaadkooda oo ah xaqiijinta amniga.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in dhaliisha ay u jeedinayaan qaar ka mid ah madaxda siyaasadeed ee wadanka aysan caqabad ku ahayn.
Wasiirka ayaa ku nuuxnuuxsaday inay khasab tahay in laga hor tago qorsho kasta oo ku aaddan in rabshad la abuuro.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii qalalaase ka dhacay ismaamulka Murang’a ay labo qof ku dhinteen.
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta taageersan ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa wasiirka, xoghayihiisa iyo saraakiisha ammaanka ku eedeyay inaysan dhexdhexaad ka ahayn qaabka ay kaga falceliyaan isku soo baxyada la qabto.
Xilli uu maanta si rasmi ah u daahfuray hannaanka dijitaalka ee urur ay leeyihiin booliska ayuu Fred Matiangi madaxda siyaasadeed ugu baaqay inay is xakameyaan marka ay goobaha fagaaraha ah dadweynaha kula hadlayaan.
Waxaa uu siyaasiyiinta xusuusiyay inay mas’uuliyad shaqsiyeed ka saaran tahay inay aad uga fikiraan hadaladooda maadaama hadii aan laga fiirsan ay dhibaatooyin ka dhalan karaan.
Madaxa waaxda adeegga dadweynaha Mr. Joseph Kinyua ayaa war saxaafadeed uu shalay soo saaray ku sheegay in qof kasta oo qabanqaabinayo kulan dadweyne laga doonayo inuu ugu yaraan saddex cisho ka hor ku wargeliyo laamaha ammaanka ee deegaanka.
Dhanka kale saraakiisha ammaanka ayaa lagu soo warramayaa inay howlgallo ka sameyeen ismaamulka Nyamira oo lagu wado inuu madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ku qabto xaflad lacag uruurin ah.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here