Wasiirka arrimaha gudaha oo sheegay in warbixinta BBI dadweynaha lagu wareejinayo

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Fred Matiangi iyo dhiggiisa dowlad wadaajinta Eugene Wamalwa ayaa sheegay in warbixinta uu soo saaray guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI loo gudbin doono shacabka.
Waxaa uu Matiangi carrabka ku adkeeyay in sida madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu sheegay in cid kasta laga doonayo inay akhriso warbixinta qodobbada ku xusan si weyn wadanka looga hadal hayo.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray inay lagama maarmaan tahay in dadweynaha ay dib u fiiriyaan afkaartii ay dhiibteen kaddibna haddii ay jiraan waxyaabo ay doonayaan in la beddelo ay talo bixin sameeyaan.

Dhaqangelinta warbixinta guddiga BBI ayaa dhalisay hadal hayn siyaasadeed .
Qaar ka mid ah madaxda dalka ayaa ku doodaya in baarlamaanka uu awood dastuuri ah u leeyahay inuu dhaqangeliyo isbeddelada la soo jeediyay halka kuwa kalena ay door bidayaan in dadweynaha loo gudbiyo oo afti la qaado.
Isbeddelada waxaa ka mid ah inuu dalka ra’iisul wasaare xildhibaa ah ka jiro, in haddii barasaabka ismaamulka uu qof rag yahay inay haweeney ku xigeen u noqoto iyo qodobbo kale oo badan.
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa shalay dhaliilay siyaasiyiinta uu sheegay inay dadweynaha marin habaabinayaan oo aynan fursad u siinayn inay warbixinta si shakhsi ah u daraaseeyaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here