Wasiirka arrimaha gudaha oo si adag uga hadlay amniga Mombasa

141

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiangi oo gaaray ismaamulka Mombasa ayaa sheegay inuu xiriir ka dhexeyo ka ganacsiga daroogada iyo falal dambiyeedyada halkaasi laga gaysto.
Dr. Fred Matiangi ayaa wacad ku maray inaan marnaba loo dulqaadan Karin falalka burcadnimo ee soo noqnoqday ee laga fuliyo gobolka Xeebta .
Habeenkii isniinta ee isbuucii hore ayay ahayd markii weerar laga gaystay Bamburi lagu dhaawacay ugu yaraan 13 qof.
Waxaa uu digniin adag u diray kooxaha burcadda ah isagoo xusay in la ciribtirayo.
Wasiirka ayaa arrimahan ka hadlay kaddib kulan uu la qaatay taliyaasha amniga iyo hoggaamiyaasha siyaasadeed ee gobolkaasi.
Dr. Matiangi ayaa warfidiyeenada u sheegay in saraakiisha ammaanka ay guda galeen qorsho ku aaddan howlgal ballaaran oo ka dhan ah kooxaha burcadda ee shacabka dhibaateeyo sido kalena dhac u gaysta hantidooda.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in Kenyaanka ay dowladda uga fadhiyaan inay tallaabo wax ku ool ah qaaddo taasina laga dhabeyn doono.
Booliska Mombasa ayaa dhankooda sheegaya in ilaa iyo hadda ay soo qabteen 11 ka mid ah 13 dhalinyaro oo la tuhmayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here