Wasiirka arrimaha gudaha oo su’aalo laga weydiin doono xarigii saddex ka mid ah xubnaha aqalka sare

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Fred Matiangi iyo abaanduulaha ciidamada booliska Mr. Hillary Mutyambai ayaa lagu wadaa inay maanta ka soo hormuuqdaan guddiga amniga ee aqalka sare.
Waxay ka jawaabi doonaan su’aalo ku saabsan sababtii Isniintii loo xiray saddex senatar oo isku diyaarinayay inay ka qaybgalaan doodda ku saabsan sida ismaamullada ay u qaybsanayaan dakhliga ee dib loo sii dhigay.
Tallaabada ay qaadeen saraakiisha ammaanka ayaa siyaabo kala duwan looga hadlay.
Qaar ka mid ah senatarrada ayaa maalinka dalbaday in saddexda xubnood la soo daayo si ay u adeegsadaan xuquuqdooda dastuuriga ee matalaadda shacabka.
Dr. Matiangi iyo Mutyambai ayaa lagu amray inay ka soo hormuuqdaan guddiga uu hoggaamiyo senatarka ismaamulka Garissa Maxamad Yuusuf Xaaji.
Waxaa sido kale loo yeeray xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Karanja Kibicho, xeer ilaaliyaha guud ee dalka Kihara Kariuki iyo madaxa waaxda dambi baarista dalka George Kinoti.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here