Wasiirka arrimaha gudaha oo tagaya deegaan ka tirsan Kakamega oo ay dilal ka dhaceen

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’I ayaa la filayaa inuu maanta tago deegaanka Matungu oo ku yaalla ismaamulka Kakamega ee galbeedka dalka kaddib dagaallo halkaasi ka dhacay.
Muddo hal bil ah gudaheed 13 qof ayay burcad ku dhishay deegaan baarlamaneedkaasi.
Wasiirka ayuu qorshuhu yahay inuu 9-ka subaxnimo tago xafiiska guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan sugidda amniga galbeedka dalka.
Waxaa uu Dr. Matiang’I kulan la qaadan doonaa madaxda ammaanka ka hor inta uunan u sii gudbin Matungu.
Booqashada wasiirka ayaa ku soo aadaysa iyadoo shacabku ay dalbanayaan in isku shaandhayn lagu sameeyo saraakiisha ammaanka oo ay ku eedeynayaan inaynan sida haboon uga fal celin weerarada la gaysto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here