Wasiirka arrimaha gudaha oo wacad ku maray cirib tirka musuqmaasuqa

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr. Fred Matiangi ayaa wacad ku maray in dowladda ay sii wadi doonto sida ay uga go’an tahay in wadanka laga cirib tiro falalka musuqmaasuqa.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inaan marnaba laga daali doonin la dagaalanka lunsashada kheyraadka dadweynaha iyo ku takriifalka lacagaha dowladda ee bulshada loogu adeego.
Shakhsiyaadka ku howlan ganacsiyada yaryar ayuu ugu baaqay inay dowladda garab ku siiyaan la tacaalidda musuqmaasuqa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here