Wasiirka beeraha oo beeniyay in galeey la soo iibsanaya

Wasiirka wasaaradda beeraha ee dalka Mr. Peter Munya

Wasiirka wasaaradda beeraha ee dalka Mr. Peter Munya ayaa sheegay in dowladda aynan qorsheynayn inay galeey ka soo iibsato dal kale.
Mr .Munya ayaa hoosta ka xarriiqay inaan loo baahneyn in walaac laga muujiyo helitaanka cunnada ee gudaha dalka.
Arrintan ayuu Munya ka hadlay xilli uu ku sugnaa duleedka magaalada Lodwar ee ismaamulka Turkana.
Waxaa uu xilligaas qiimeyn ku sameynayay saameynta uu deegaankaas ku yeeshay Ayaxii horay ugu degay.
Wasiirka ayaa dhanka kale ismaamullada Turkana, Laikipia, Samburu iyo Marsabit ee weli la tacaalaya Ayaxa u sheegay in dowladda ay taageero buuxda ka heli doonaan.
Waxaa uu intaa ku daray in hay’adda laanqeerta cas Kenya ay qiimeynayso khasaaraha uu cayayaankan ku reebay 27 ka mid ah ismaamullada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here