Wasiirka beeraha oo sheegay in Kenya ay soo iibsanaysa 4 milyan oo loorar galeey ah

Wasiirka wasaaradda beeraha ee dalka Mr. Peter Munya ayaa sheegay inuu jiro qorsho dalka dibadiisa looga soo iibsanaya loorar gaaraya afar milyan oo isugu jiro galeeyda cad iyo midda jaallada ah.
Dowladda ayaa tallaabadan qaadaysa si looga hor tago cunno yari ka dhalato cudurka Covid-19 ee dalka ka jiro.
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in roobab xooggan oo wadanka ka da’ay sideedii bilood ee ugu dambeeyay ay sababeen daadad burburiyay dalagga beeraha.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo warbixin bishii hore la soo saaray lagu sheegay in ugu yaraan 17 ka mid ah ismaamullada dalka ay cuno yari soo foodsaari karto ka hor bisha shanaad ee sannadkan.
Mr. Peter Munya , wasiirka beeraha ee dalka ayaa hoosta ka xarriiqay in afarta milyan oo loorarka galeeyda ah ay isugu jiraan labo milyan oo shacabka loogu talagalay iyo laba milyan oo xoolaha lagu quudin doono.
Wasiirka ayaa sido kale wacad ku maray in dacwad lagu soo oogi doono ganacsatada kordhiya qiimaha cunnooyinka kala duwan si ay u abuuraan gaabaad aan jirin.
Xilli uu ka hadlay bandowga habeenkii ayuu Mr. Munya xusay inuu kulan la qaatay saraakiisha wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka oo ay ku heshiiyeen inaan gacanta lagu dhigin baabuurta sida cunnooyinka iyo dalagga beeraha ee lagu iibiyo deegaannada kala duwan ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here