Wasiirka beeraha oo xilkiisa la wareegay

Wasiirka cusub ee wasaaradda beeraha Mr. Peter Munya ayaa maanta xilkiisa si rasmi ah ula wareegay kaddib isku shaandheyn shalay uu sameeyay madaxweynaha wadanka Uhuru Kenyatta.
Tallaabada uu hoggaamiyaha dalka qaaday ayaa waxay saameysay mas’uuliyiin uu ka mid yahay wasiirkii wasaaradda beeraha Mr. Mwangi Kiunjuri oo xilka laga qaaday.
Waxaa uu Munya oo horay u ahaa wasiirka ganacsiga sheegay in dowladda dhexe ay adeegsan doonto saddex diyaaradood oo dheeraad ah si loo buufiyo ayaxa saameeyay qaar ka mid ah ismaamullada dalka.
Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in ilaa iyo hadda buufinta cayayaankan ay si habsami leh u socoto.
Sido kale waxaa uu carrabka ku adkeeyay in la isticmaali doono afar diyaaradood oo loogu talagalay kormeerka lagu sameynayo la tacaalidda ayaxa.
Mr. Peter Munya ayaa hoosta ka xarriiqay in teknoolojiyad iyo horumar la xiriira sayniska ay kaalin weyn ka qaadanayaan la tacaalidda cayayaanka xaalufiya daaqa, dhirta iyo dalagga beeraha.
Kenyaanka ayuu ku wargeliyay inay is dejiyaan maadaama sida uu hadalka u dhigay xaaladda la xakameynayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here