DHAGEYSO:Wasiirka caafimaadka Hirshabeelle oo kormeeray xarumaha caafimaadka magaalada Jowhar

Masuuliyiin ka Tirsan Wasaarada Caafimaadka maamulka Hirshabeelle ayaa kormeer ku samaeeyay Xarumaha Caafimaadka Magaalada Jowhar waxayna u kuur galeen xaalada dadka ku sugan Xarunta Karaantiilka Magaalada Jowhar halkaasoo la geeyo shaqsiyaadka uu soo rito cudurka covid 19.
Masuuliyiintaan ayaa waxaa hogaaminayay wasiirka Caafimaadka Maamulka Hirshabeelle waxana Xubno ka ahaa wasiiru dowladaha Caafimaadka hirshabeelle,isu duwaha caafimaadka gobolka shabeellada dhexe, duqa Magaalada Jowhar iyo gudomiyaha degmada,waxayna booqdeen isbitaalka EnterSoos, Isbitaalka hooyada iyo dhalaanka iyo xarunta lagu hayo dadka Karaantiilka ku jira ee Magaalada Jowhar.
Kormeerkaas kadib ayaa waxaa Wasiirka xaaladaha Caafimaad ee gobolka shabeellada dhexe kaga warbixiyay isu-duwaha wasaarada Caafimaadka Hirshabeelle ee gobolka shabeelada dhexe sidoo kale gudoomiyaha degmada Jowhar ayaa bogaadiyay howlaha wacyigalinta ah ee wasaarada caafimaadku gobolkaas ka wado.
Wasiirka caafimaadka Hirshabelle oo isna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaysan badnayn dadka laga diiwaan galiyay Hirshabeelle saacadihii La soo dhaafay loona baahanyahay in howlaha socda la sii laba Jibaaro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here