Wasiirka caafimaadka oo dambiilayaal ku tilmaamay qaar ka mid ah shaqaalaha xarunta Afya House

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa sheegay in xarunta dhexe ee wasaaradda ee Afya House ee magaaladatani Nairobi uu musuqmaasuqa ka dhex jiro.
Waxaa uu xusay inay halkaas ka shaqeyaan saraakiil badan oo daacad ah ayna ka go’an tahay u adeegidda bulshada balse dhanka kale ay jiraan kuwo ku howlan khiyaano.
Arrintan ayuu sheegay mar uu ka jawaabayay su’aal laga weydiiyay mid ka mid ah shaqaalaha wasaaradda oo qalabka la isaga difaaco cudurka covid-19 ku helay qandaraas faalis oo ku kacaya malaayiin shilin.
Mr. Kagwe ayaa xusay in arritan iyo waxyaabo kale oo la qoonsaday ay baaritaano ku hayso waaxda dambi baarista ee DCI-da.
Waxaa uu Kenyaanka ugu digay inay ka feejignadaan saraakiil uu sheegay inay u soo bandhigi karaan qandaraas waxba kama jiraan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here