Wasiirka caafimaadka oo digniin u diray dadka la karantiilay

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa digniin u diray qaar ka mid ah dadka looga shakiyay cuduruka Covid-19 ee lagu hayo goobaha karantiilka oo uu sheegay inaynan u hoggaansamin talooyinka la xiriira faya dhowrka.
Mr. Kagwe ayaa wacad ku maray in Dowladda aynan ka gaabin doonin inay tallaabo adag oo sharciyeed ka qaaddo.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay shakhsiyaad lagu karantiilayay ismaamulka Mandera oo maalmo ka hor baxsaday in kastoo barasaabka dowlad deegaankaas Cali Ibraahim Roba uu maalmo ka hor sheegay in dadkaas badankooda la soo qabtay.
Wasiirka ayaa xusay in dadkaas ay laaluush bixiyeen si loo siidaayo sidaas awgeed iyaga iyo cidii fasaxdayba lala xisaabtamaya.
Jimcihii la soo dhaafay ayay ahayd markii wasaaradda caafimaadka ay amartay in dad lagu hayo shan goobood ay halkaas ku sii sugnaadaan muddo 14 cisho oo dheeraad ah kaddib markii ay korortay tirada dadka laga helay cudurka.
Ilaa iyo hadda gudaha wadanka waxaa laga xaqiijiyay 262 kiis oo ah kuwa caabuqa Coronavirus.
Waxaa cudurka u dhintay 13 qof halka ay ka bogsadeen 60 ruux.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here