Wasiirka caafimaadka oo hor tagaya baarlamaanka

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa lagu wadaa inuu galinka dambe ee maanta uu ka soo hormuuqdo guddiga caafimaadka ee baarlamaanka.
Wasiirka oo uu wehelinaya dhigiisa gaadiidka Mr. James Macharia ayaa su’aalo laga weydiin doonaa fadeexad la rumeysan yahay in lacago lagu lunsaday.
Dhaqaalahan aan ilaa iyo hadda la caddeyn sida loo isticmaalay ayaa loogu talagalay la dagaalanka cudurka COVID19.
Fadeexaddan ayaa laga soo tabiyay maamulka qaabilsan soo iibinta iyo qaybinta agabka iyo daawooyinka caafimaad ee KEMSA.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa maalmo ka hor hay’adaha dambi baarista u qabtay muddo 21 cisho ah oo ay musuqmaasuqa dhacay warbixin faahfaahsan kaga soo saarayaan.
Sido kale wasaaradda caafimaadka ayuu ku amray inay soo daabacdo dhammaan qandaraasyada la bixiyay ee ku saabsan cudurka COVID19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here