Wasiirka caafimaadka oo iska fogeeyay eedeymo loo jeediyay

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay inuu farageliyay qandaraasyo uu bixiyay maamulka qaabilsan soo iibinta sido kalena qaybinta agabka iyo daawooyinka caafimaad ee KEMSA.
Waxaa eedeynta uu Kagwe beeniyay u jeediyay madaxii fulinta ee maamulka KEMSA ee si ku meel gaar ah shaqada looga istaajiyay Jonah Manjari.
Mr. Manjari ayaa xilli uu ka soo hormuuqday guddiga caafimaadka ee aqalka sare sheegay in wasiirka uu amarro siinayay isagoo adeegsanaya wicitaano, fariimaha gaaban iyo qoraal rasmi ah.
Wasiirka ayaa dhankiisa xilli uu shalay hor tagay guddiga baarlamaanka ee baaritaanada ku sameynaya lacago loogu talagalay la dagaalanka cudurka COVID-19 oo la rumeysan yahay in la lunsaday sheegay inuusan sarkaal ka tirsan KEMSA amar ku siin qaabka loo bixinayo qandaraaska iyo cidda la siinaya.
Mr. Jonah Manjari ayaa maalmo ka hor xusay in cadaadis xooggan oo joogto ah ay ku hayeen wasiirka wasaaradda caafimaadka Mr. Mutahi Kagwe , xoghyaha joogtada ee wasaaradda Susan Mochache iyo taliye militari oo uunan magacaabin.
Kagwe ayaa ku nuuxnuuxsaday in laga been sheegay wuxuuna cid kasta oo isaga eedeynaysa ka dalbaday inay cadeeymo wax ku ool ah soo bandhigto.
Mutahi Kagwe ayaa sido kale waxba kama jiraan ku tilmaamay inuu tagay xarunta dhexe ee KEMSA.
Fadeexadda laga soo tabiyay maamulka KEMSA ee sida weyn looga hadal hayo gudaha dalka ayaa waxaa hadda baaritaano ku sameynaya guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here