Wasiirka caafimaadka oo ku sugan Kiambu

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa maanta ku sugan ismaamulka Kiambu halkaas oo uu shaaca kaga qaadi doono waxyaabaha ugu dambeeyay ee la xiriira caabuqa coronavirus.
Waxaa la filayaa inuu Kenyaanka kula hadlo deegaanka Limuru ee ismaamulkaas.
Mr. Kagwe ayaa maalmo ka hor sheegay in shirarka ku saabsan shaacinta kiisaska cusub ee corona lagu qaban doono ismaamullada kala duwan wuxuuna horay u tagay Machakos.
Sido kale wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in tani looga gol leeyahay in la eego sida dowlad deegaannada wadanka ay isugu diyaariyeen la tacaalidda cudurka covid-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here