Wasiirka caafimaadka oo ku sugan Mombasa

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa maanta ku sugan dowlad deegaanka Mombasa ee gobolka xeebta.
Waxaa uu u kuurgalaya sida ismaamulkaas uu ugu diyaar garoobay la tacaalidda kiisaska cudurka COVID19.
Kagwe ayaa hadda kulan la qaadanaya barasaabka Mombasa Cali Xasan Joho oo uu horay ugu ammaanay dadaal uu ku bixinaya wax ka qabashada cudurka saameynta yeeshay.
Wasiirka iyo saraakiil wehelinaya ayaa la filayaa inay galinka dambe ee maanta warbaahinta la hadlaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here