Wasiirka caafimaadka oo kulan la qaatay guddiga loo xilsaaray Covid-19

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa maanta kulan la yeeshay xubnaha guddiga uu madaxweyne Uhuru Kenyatta u magacaabay ka falcelinta xaaladaha degdegga sida cudurka Covid-19 ee hadda ka jiro wadanka.
Waxaa sido kale kulanka ka qeyb galay saraakiisha xiriirka daryeelka caafimaad ee wadanka iyo agaasimayaasha isbitaallada sida gaarka ah loo leeyahay.
Shirka ayaa lagu qabtay dhismaha Afya House ee Nairobi.
Wasaaradda caafimaadka ayaa weli shacabka ku boorinaysa inaynan aad isugu dhawaan si cudurka aynan isugu gudbin.
Dhanka kale xildhibaanka deegaanka Koonfurta Imenti, Kathuri Murungi ayaa doonaya in dhammaan mudanayaasha wadanka la geliyo karantiil maadaama uu ku doodaya inay xiriir la yeesheen qaar ka mid ah oo dib uga soo laabtay Ingiriiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here