Wasiirka caafimaadka oo lagu eedeyay inuu dafiray amar maxkamadeed

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr.Mutahi Kagwe ayaa wajahaya dacwad ku aaddan inuunan u hoggaansamin amar maxkamadeed.
Waxaa loo haystaa tallaabo lagu wareejiyay laba sarkaal oo sar sare oo ka howlgalayay sheybaarka qaran.
Saraakiishan ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Dr. Hezekiah Chepkwony iyo Dr. Pius Wanjala.
Kagwe ayaa lagu dhaliilay inuu iska indha tiray amar ay maxkamadda soo saartay 31-kii bishii koobaad ee sannadkan.
Amarka ayaa ahaa in waxba kama jiraan laga soo qaaday wareejintii saraakiisha.
Wasiirka ayaa 23-ka bishan toddobaad laga doonaya inuu maxkamadda ka soo hormuuqdo .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here