Wasiirka caafimaadka oo sheegay in sare loo qaadayo tayada isbitaallada

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa sheegay in dowladda dhexe ay ku dadalayso sidii sare loogu qaadi lahaa tayada isbitaallada.
Waxaa uu xusay in isbitaallada dalka ayu muuqdaan kuwo uu culeys dheeraad ah ku keenay fayraska corona.
Kagwe ayaa ku nuuxnuuxsaday in kiisaska caabuqa ee sii kordhaya ay buux dhaafiyeen xarumaha caafimaadka sidaas awgeedna la doonayo in la xoojiyo tayada xarumaha iyo saraakiisha ka howlgalo.
Wasiirka ayaa sido kale sheegay in ilaa iyo hadda aan la saadaalin karin sida ay xaaladdu noqon doonto.
Kagwe ayaa mar kale shacabka ugu baaqay in qof kasta uu mas’uuliyad shakhsiyeed iska saaro ka hor tagga cudurka .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here