Wasiirka caafimaadka oo shir guddoomin doono kulan degdeg oo ku saabsan COVID-19

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa maanta shir guddoomin doono kulan degdeg ah oo looga arrinsanaya xaaladda cudurka COVID-19 ee wadanka.
Waxaa kulanka yeelanaya xubnaha guddiga qaran ee qaabilsan ka falcelinta xaaladaha degdegga ah ee (NERC).
Bayaan uu soo saaray Kagwe ayaa lagu xusay in dib u eegis lagu sameyn doono kororka dhimashada iyo kiisaska cudurka COVID-19 ee dalka.
Wasiir Kagwe ayaa sheegay in sidoo kale xubnaha guddiga NERC ay ka wada hadli doonaan qalabka PPEs ee ay dhakhaatiirta adeegsadaan si ay uga badbaadaan caabuqa corona.
Kulanka maanta ayaa ku soo beegmaya iyadoo ilaa iyo hadda gudaha dalka ay cudurka COVID-19 ugu dhinteen 1,269 qof halka tirada guud ee xaaladaha caabuqa ee la diiwaangeliyay ay gaartay 70,245.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here