Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya oo dalbaday in sharci laga soo saaro Maraakiibta sharci darrada uga jillaabta biyaha Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda Cadaaladda ee Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta waxaa uu ka hadlay sumeynta la sheegay in dawlado ajaaniib ahi ay sumeeyaan biyaha badda Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Somalia ayaa waxa uu sheegay in biyaha badda Soomaaliya ay ku jiraan khayraad aad u fara badan, isla markaasina ay bulshada Soomaaliyeed ka helaan faa’iidooyin kala duwan.
Waxa uu xusay in dawlada Soomaaliya looga baahan yahay in ay ilaaliso khayraadka dalkaasi,si looga faa’ideysto.
Wasiir Xasan Xuseen Xaaji ayaa waxa uu sheegay in dawlada Soomaaliya ay sharci ka soo saarto marakiib la sheegay in biyaha Soomaaliya ay ku daadiyaan walxo sun ama kiimikaallo ah, kuwaas oo wax u dhimi kara khayraadka badda Soomaaaliya.
Inta badan Maraakiib ajaanib ah ayaa waxaa la sheegay in hab sharci darro ah uga jillaabtaan biyaha Soomaaliya, taas oo uu wasiirku dalbady in lagala xisaabtamo, isla markaasina laga soo saaro sharci.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here