Wasiirka cadaaladda Soomalaiya oo la Kulmay guddiga garsoorka iyo arrimaha diinta

Wasaiirka Wasaradda Caddaaladda dowlada Fedraalka Soomaaliya Cabdulqadir Maxamed Nuur ayaa kulan la qaatay Guddiga Caddaaladda, Garsoorka & Arrimaha Diinta ee Golahah Shacbiga, Waxaana sidoo kale kulankaas goobjoog ka ahaa mas’uuliyeen kale oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Haweenka & Xuquuqul Insaanka Marwo, Xaniifa Maxamed Ibrahim, Ku-simaha Guddoomiyaha Maxkamadda Saree ee Soomaaliya, Garyaqaanka Guud ee Qaranka, iyo hawlwadeenada wasaaradda Cadaalada Soomaaliya.
Kulankaan ayaa looga mahad-celinayay Guddiga Caddaaladda, Garsoorka iyo Arrimaha Diinta ee Golaha Shacabka, Garyaqaanka Guud ee dalka sidii wanaagsaneyd ay ugala shaqeeyeen wasaaradda ansixinta Sharciyada iyo Guddiyada Madaxabannaan ee dhawaan Baarlamaanku meelmariyay gaar ahaan gudiga adeega Garsoorka iyo gudiga madaxa banaan ee la dagaalanka Musuqmaasuqa.
Waxaa kulnakaas khudabdo ka jeediyey Guddoomiyaha Guddiga Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta ee Golaha Shacabka Xilidhibaan, Shariif Sheekhunaa Maye oo ka warbxiyey hawlaha muhiimka u ah dowladnimada Soomaaliya oo ay kala shaqeeyeen wasaaraddda isagoo ballan-qaaday inay sii wadi doonaan ka shaqeynta danaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Waxaa sidoo kale bogaadiyey tallaabadan Garyaqaanka Guud ee Qaranka iyo Ku-simaha gudoomiayah Maxakamadda Sare ee Soomaaliya waxayna dhamaantood sheegeen Muhiimada wadashaqyantu ay u leedahay hormmarinta howlaha qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here