Wasiirka cafimaadka dalka oo maanta ku sugan ismaamulka Kwale

Wasiirka wasaaradda caafimaadka dalka oo maalmahan uu kuur galayay xaaladaha qaar ka mid ah ismamaulda dalka sida ay u wajahayaan caabuqa halista ah ee Corona Virus ayaa maanta waxaa uu kormeer ku samaynayaa isbitaalka weyn ee Kwale.
Magaalada Mombasa iyo Kilifi ayuu maalmahan soo indha-indheeyay sida ay ugu diyaargaroobeen xanuunka COVID-19.
Maanta ayuu warbixinta malin la ah ka shaacin doona dowlad deegaanka Kwale iyadoo kiisaska Corona uu dalka ku dhaw yahay 10,000.
Labadii malin ee la soo dhaafay waxaa dalka laga diiwangaliyay marka la isgu daro kiisas ka badan sideed boqol.
Shalay ayay ahayd markii kenya laga diiwangaliyay kiisas dhan 473 kaddib baaritaano lagu sameeyay dheecaan dhan 6,979.
Tirada guud dadka uu hadda ku dhacay Fayraska ayaa hadda maraysa 9,448 iyadoona ay u dhinteen 181 waxaana ka caafimaaday
Confirmed 2733.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here