Wasiirka cusub ee caafimaadka oo sheegay in wasaaridiisa ee diyaar utahay wax ka qabashaqda coronavirus

Mutahi Kagwe ayaa la wareegay xilka wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee dalka , iyadoo hawshiisii ugu horreysay ay tahay in la sameeyo tallaabooyin lagu yareynayo ka hortagga cudurka coronavirus.
Mr Kagwe ayaa shalay la dhaariyay isaga oo ay wehelinayaan wakiillo kale, isaga oo ballan qaaday in uu hubin doono in Kenya ay sifiican ugu diyaar garawday wax ka qabashada fayraska dilaaga ah ee coronavirus, haddii ay dhacdo in caabuuqaasi uu dalka soo gaadho.
“Wax fursado ah oo aan ka qaadanayno ma jiraan,” ayuu u sheegay suxufiyiinta markii uu shaqada kala wareegayay wasiiradii hore ee caafimaadka Sicily Kariuki
Waxa uu dhanka kale masuuliyiinta qaabilsan caafimaad iyo shacabka ku booriyay in ay gacmaha is qabsadaan oo ay raacaan tilmaamaha ay wasaaradu bixiso. Xitaa warbaahintu wa awooda afraad waxay leedahay door ay ka ciyaaraan wacyi gelinta bulshada ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay.
Dhanka kale waxaa xiisad dhawaan ay ka dhalatay deegaanka Athi River kadib markii muwaadiniin Shiiniis ah oo ka soo dagay gagida caalamiga ah ee JKIA ay halkaasi tageen iyaga oo uu wajiga u xiran yahay.
Waxaa la sheegay inay qayb ka yihiin 239-kii rakaab ee ka yimaaday dalka Shiinaha kuwaas oo lagu booriyay inay dibada u soo bixin muddo labo toddobaad ah.
Guddoomiye ku-xigeenka Athi River David Juma ayaa hoosta ka in ninkan uu ka soo safray wadanka Shiinaha isbuucan gudihiisa.
Saraakiisha caafimaadka ee heer qaran iyo heer dowlad goboleed ayaa la sheegay in loo dirayo goobtaasi.
Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa warbixin ay khamistii soo saartay ku sheegtay in ay feejignaan dheraad ah muujinayaan si looga taxadaro in uu cudurkan soo gaaro dalka.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in wasaaradda ay heshay 17 dignino oo ku saabsan cudurkan balse dhamaantood laga waayay caabuqa.
In ka badan 615 saraakil oo ah kuwa caafimaadka ayaa la geeyay dhamaan meelaha lagasoo galo garoomada halka kuwo dheeraad ah loo diray garoonka caalamiga ah ee JKIA.
Caabuqa Coronavirus ayaa waxaa uu weli soo gaarin dalkani Kenya balse waxaa uu guud ahaan caalamka ku dilay dad dhan 2,800 oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here