Wasiirka cusub ee shaqaalaha oo xilkiisa la wareegay

Wasiirka cusub ee wasaaradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada Simon Chelugui ayaa maanta xilkiisa si rasmi ah ula wareegay.
Mr. Chelugui ayaa hoosta ka xarriiqay in fursad buuxda la siin doono wada xaajood si loo xalliyo murannada dhanka shaqada ah.
Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo barayaasha jaamacdaha dalka ay wacad ku mareen in laga billaabo 20-ka bishan ay shaqa joojin ku dhaqaaqayaan hadii aan la dhaqangelin heshiis horay loo wada saxiixday oo ku saabsanaa mushaar kordhin.
Waxaa jagadan hayay oo iska wareejiyay Mr. Ukur Yattani oo laga dhigay wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta qaranka .
Dhawaan ayay ahayd markii isku shaandheyn uu madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ku sameeyay golihiisa wasiirrada , Simon Chelugui laga soo qaaday wasaaradda biyaha iyo waraabka.
Mr. Ukur Yattani ayaa munaasabadda xil wareejinta ka sheegay in dadka dhibaatooyinka u nugul sida waayeellada, agoonta iyo naafada ay qasab tahay inay helaan xuquuq la siman midda dadka kale.
Waxaa uu tallaabada ugu wanaagsan ee la qaadi karo ku sheegay in dowladda ay daryeesho shakhsiyaadka ay ku adag tahay maareeynta noloshooda.
Wasiirka xilka kala wareegay ayuu u xaqiijiyay inuu taageero ka heli doono hay’adaha iyo maamulladii ay horay wasaaradda shaqaalaha u wada shaqeynayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here