Wasiirka deegaanka oo beeniyay in howlgallada Mau qowmiyad gaar ah lagu bartilmameedsanaya

Wasiirka wasaaradda deegaanka ee dalka Mr. Keriako Tobiko ayaa sheegay inaysan jirin qowmiyad gaar ah oo ay dowladda dhexe ku bartilmameedsanayso howlgallada ay ka waddo keynta Mau ee ismaamulka Narok.
Mr.Tobiko ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay inay jirto bulsho si gaar ah dhib loogu haya.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in badbaadinta bilicda deegaanka ay tahay mas’uuliyad guud balse dowladdu ay u xilsaaran tahay dhaqangelinta amarrada la xiriira.
Dowladda ayaa ku dadaalaysa inay gudaha keynta Mau ee Narok ka saarto qoysas halkaas si sharci darro ah ku degay.
Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulkaas Evans Achoki ayaa sheegay inay sii soconayaan howlgallada lagu badbaadinayo deegaanka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here