Wasiirka deegaanka oo berri baarlamaanka ka soo hormuuqanaya

Wasiirka wasaaradda deegaanka ee dalka Mr. Keriako Tobiko ayaa la filayaa inuu berri ka soo hormuuqdo baarlamaanka.
Waxaa su’aalo weydiin doono xubnaha guddiga baarlamaanka u qaabilsan arrimaha deegaanka.
Mr. Tobiko ayaa fursad loo siin doonaa inuu faahfaahin ka bixiyo qorshaha dowladda ay dib ugula wareegayso keynta Ngong oo qeyb ka mid ah la degay.
Guddoomiyaha guddigan Mr. Kareke Mbiuki ayaa sheegay in Mr. Tobiko laga doonayo inuu ka jawaabo su’aalo ku aaddan qaabka ay dowladda arrinkan u wajahayso.
Wasiirka wasaaradda deegaanka ayaa maalmo ka hor sheegay in la burburin doono guriyo lagu dhisay dhulal uu xusay in si sharci darro ah lagu qaatay.
Mudanaha laga doo doortay deegaanka Langata ee magaalada Nairobi Mr. Nixon Korir ayaa golaha xeer dejinta u gudbiyay mooshin uu kaga soo horjeedo qorshaha dowladda ee barakicinta.
Mr. Korir ayaa waaxda keymaha ee dalka ka dalbanaya inaynan ku dhaqaaqin qorsho uu sheegay in saameyn ballaaran ay ka dhalan karto.
Xildhibaanka ayaa xusay in burburinta guriyaha ee ay dowladda shaacisay ay hooy la’aan ku noqon karaan ku dhawaad 6, 000 oo qoysas ah.
Hoggaamiyaha siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee baarlamaanka Mr. John Mbadi ayaa wacad ku maray inuu billaabi doono mooshin xilka looga qaadaya wasiirka wasaaradda deegaanka ee dalka Mr. Keriako Tobiko .
Dowladda dhexe ayaa horay loogu dhaliilay howlgallo ay ka fulisay keynta Mau ee ismaamulka Narok si halkaas looga saaro qoysas si sharci darro ah ku degay .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here