Wasiirka deegaanka oo sheegay inaan la hor istaagi Karin howlgallada keynta Mau

Wasiirka wasaaradda deegaanka ee dalka Keriako Tobiko ayaa carrabka ku adkeeyay inaynan jirin cid hor istaagi karto fulinta howlgallada keynta Mau ee ismaamulka Narok.
Tallaabooyinka ay dowladda qaadayso ayaa looga gol leeyahay in gudaha keyntaasi looga saaro qoysas si sharci darro ah ku degay.
Horraantii bishan ayay ahayd markii dowladda dhexe ay cid waliba oo halkaasi deggan ay u qabatay muddo 60 cisho oo ay si iskeed ah uga guurayso haddii kale si khasab ah looga rari doono.
Wasiirka arrimaha deegaanka Keriako Tobiko iyo iskuduwaha ammaanka ee gobolka Rift Valley ,George Natembeya ayaa doonaya in qoysaska weli ku dhex nool Keynta Mau inay guuraan ka hor inta mudada loo qabtay aynan dhammaan.
Mr. Tobiko ayaa xilli uu ka qeyb galay aaska guddoomiyihii hore ee guddiga bixiya leesimada gaadiidka Xassan Ole Kamwaro waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in maamulka talada haya ee Jubilee ay ka go’antahay badbaadinta Mau sidaasi awgeedna aan marnaba laga daali doonin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here