Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo Faahfaahin ka bixiyay Howlgalada Ciidamada.

Wasiirka wasarada Gaashaandhiga dowlada Faderaalka Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Ammar-dambe) ayaa faahfaahin ka bixiyay howl-gallada ay Ciidanka Milatariga Soomaaliya ka wadaan qeybo ka mid ah Gobollada Dalka ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo hadafka ay Dowladdu ka leedahay tayaynta Ciidanka xoogga Dalka.
Wasiirka ayaa sheegay inay dib u dhis ku samayn doonaan dhammaan Xeryahii Ciidanka Xoogga uu ku lahaa gobolada Dalka, isagoo intaa raaciyay inay qeybo ka mid ah Gobollada Dalka ka hirgelinayaan talisyo kale si loo ballaariyo tayada iyo howl-gallada Ciidanka Dowlada.
Wuxuu sheegay Wasiirka Difaacu in ka Dowlad ahaan ay ka go’an tahay inay soo nooleeyaan cududdii Ciidanka xoogga, isagoo xusay inay haatan ahmiyadda koobaad siinayaan Ciidanka Lugta si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab,, iyadoo ay xigi doonaan tayaynta Ciidamada Cirka iyo Badda, si ay Soomaaliya ula soo laabato awooddii ay horay u lahaan jirtay ee dhanka Milatariga ahayd.
Dhinaca cuna-qabataynta Hubka ee dalka Soomaaliya Saaran ayuu sheegay in y guulo ka gaareen, taasoo ku xirnayn sida ay Dowladdu ugu fal-celiso la dagaallanka musuqa, habaynta miisaaniyadda iyo sare u qaadidda tayada Ciidanka taasina ay kasoo baxeen, wixii haatan ka dambeeyana ay filayaan in laga qaado xayiraadda Hubka, si ay usoo Afjaraan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here