Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo maanta Baarlamaanka Hortagaya.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya ayaa la filayaa in Maanta oo Isniin Kulankoodii caadiga ahaa ay ku yeeshaan Xaruntooda Magaalada Muqdisho.
Ajendaha kulanka Maanta ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ah inuu hortaga Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe).
Xildhibaannada ayaa Wasiirka wax ka weeydiin doonaan Arrimo la xiriira Ciidamada, howlgallada ay wadaan Ciidamada dowladda iyo arrimo kale oo la xiriira Wasaaradda Difaaca Soomaaliya.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya waxaay wadaan la xisaabtanka Wasiirada xukuumada,waxaana horay ay ugu yeereen,Wasiirada Amniga,Gaadiidka & Duulista Hawada iyo Wasiirka Warfaafinta oo shalay ay su’aalo weeydiiyeen.
Sidoo kale todobaadyadii aan ka soo gudubnay waxaa xildhibaanada hortagay qaar ka mid ah Saraakiisha ugu saraysa ciidanka booliska Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here