Dhageyso: Wasiirka dowlad wadaajinta oo doonayo in isbeddel lagu sameeyo dastuurka

Wasiirka wasaaradda dowlad wadaajinta ee dalka Mr. Eugene Wamalwa ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan yahay in wax laga beddelo shuruucda dastuurka gaar ahaan qeybta ku saabsan miisaaniyadda loo qoondeeyo ismaamulada dalka.
Waxaa uu Mr. Wamalwa hoosta ka xarriiqay inay lagama maarmaantahay inuu jiro xeer dowlad deegaanada ka badbaadinaya dhaqaale yar marka uu soo baxo muranka la xariira dakhliga.
Bilooyinkii ugu dambeeyay waxaa dalka ka jiray isqabqabsi ku saabsan sida ismaamulada iyo dowladda dhexe ay u qeybsanayaan dhaqaalaha qaran taasi oo hakad gelisay bixinta adeegyada dowlad deegaanada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here