Wasiirka dowlad wadaajinta oo gaaray Wajeer

Waxaa ismaamulka Wajeer gaaray wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo wasiirka wasaaradda dowlad wadaajinta Mr. Eugene Wamalwa.
Wafdiga waxaa qeyb ka ah xoghayaha dhanka maamulka u qaabilsan wasaaradda Cabdul Bahari, wakiillo ka socdo safaaradaha qaar ka mid ah wadamada caalamka ay ku leeyihiin Kenya iyo madaxda howlaha hay’adaha qaramada midoobay.
Mas’uuliyiintan waxaa Wajeer ku soo dhaweeyay barasaabka dowlad deegaankaas Maxamad Abdi Maxamuud.
Socdaalka Wamalwa iyo saraakiisha kale ayaa noqonaya midkii labaad oo ay ku tagaan deegaannada xoolo dhaqatada.
Guddoomiyaha Wajeer , Maxamad Cabdi Maxamuud ayaa qoraal uu dhawaan soo saaray ku sheegay in wasiirka uu indha-indheyn ku sameyn doono mashaariic dhanka biyaha iyo waddooyinka ka hor inta uunan ka qeyb gelin kulan wadatashi ah oo ka dhacaya Wajir Palace Hotel.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here