Wasiirka dowlad wadaajinta oo walaac ka muujinaya in aan la ansaxin miisaaniyadda ismaamullada

Wasiirka wasaaradda dowlad wadaajinta Mr. Eugene Wamalwa ayaa arrin walaac laga muujiyo ku tilmaamay in aqalka sare uusan weli soo afjarin muranka ka dhashay qaabka ay ismaamullada dalka u qaybsanayaan dakhliga.
Waxaa uu Wamalwa hoosta ka xarriiqay in is fahan waaga jira uu hakad gelin karo howlaha dowlad deegaanada.
Wasiirka ayaa ku baaqay in la dardargeliyo oo heshiis kama dambeys ah laga soo saaro dhaqangelinta nidaamka saddexaad ee dakhli qaybsiga.
Siyaasiyiinta laga soo doortay deegaanada xoolo dhaqatada oo garab ka helaya senetarrada qaar ayaa ka soo horjeestay in la meel mariyo nidaam horseedaya sinnaan la’aan dhanka horumarka.
Mr. Eugene Wamalwa ayaa isagoo ku sugan ismaamulka Bungoma ee galbeedka dalka xubnaha aqalka sare ka codsaday inay badbaadiyaan hannaanka dowlad wadaajinta ee dalka ka dhaqangalay sanadkii 2013-kii.
Guddi gaar ah oo uu aqalka sare u xilsaaray in la soo gabagabeeyo khilaafka in muddo ah soo jiray ayaan weli heshiis gaarin.
Hadalka wasiirka wasaaradda dowlad wadaajinta ee dalka ayaa imaanaya maalmo un kaddib markii golaha barasaabyada wadanka ee CoG uu sheegay in 17-ka bishan ay istaagayaan howlaha ismaamullada hadii aan xal degdeg ah la gaarin.
Guddoomiyaha CoG ahna barasaabka Kakamega Wycliffe Oparanya ayaa xusay inay dantu ku khasbi doonto inay kala diraan shaqaalaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here