Wasiirka Gaadiidka oo ka Hadlay Wajiga Labaad ee Marinka Casriga ee Tareenada

45

Wasiirka wasaaradda  gaadiidka , guriyaynta iyo kaabayaasha  wadooyinka ee dalka  Mr. James Macharia ayaa sheegay inuu  weli jiro qorshaha  dowladda ay ku dhisayso wajiga labaad ee  khadka casriga tareenada ee  SGR-ka.

Waxaa uu hoosta  ka xariiqay  inuunan weli wax iska beddelin  geedi socodka  marinka  SGR-ka  ee la isugu  xirayo magaalooyinka Naivasha iyo Kisumu.

Mr. Macharia   ayaa   hoosta ka xariiqay in wada tashi dheeraad kaddib la ogaaday  inaynan  dhaqaale ahaan wanaagsanayn   in dowladdu ay dib  u  cusboonaysiiso marinkii  tareenada  ee  xilli hore la dhisay.

Dhanka kale  madaxa  urur weynaha mucaaradka Nasa  ahna  ergayga  midowga Afrika u qaabilsan horumarinta kaabayaasha  dhaqaale Raila   Odinga  ayaa  sheegay in mashruuca wajiga labaad ee  khadka casriga ee tareenada uu isku xiri doono magaalooyin dhowr ah sida Naivasha, Kisumu  Narok, Bomet, Nyamira iyo   Sondu

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here