Wasiirka gaadiidka oo sheegay inuu dembi galay sarkaal Kenya Airways ay shaqada ka joojisay

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo kaabayaasha wadooyinka ee dalka Mr. James Macharia ayaa shaaca ka qaaday in Gire Cali oo ka mid ah shaqaalaha shirkadda qaran ee duulimaadyada ee Kenya Airways oo dhawaan la eryay uu dambiile yahay.
Mr. Cali ayaa shaqada si ku meel gaar ah looga istaajiyay si baaritaano loogu sameeyo kaddib markii lagu eedeyay inuu muuqaal ka duubay diyaarad laga leeyahay Shiinaha oo ka soo dagaysay gagida JKIA ee magaalada Nairobi.
Waxay diyaaraddu sidday 239 qof oo rakaab ah hasa ahaate sarkaalkan ayaa loo haystaa inuu jebiyay shuruucda u degsan nidaamka badqabka iyo maareynta howlaha garoomada diyaaradaha.
Guddi iskudhaf ah oo matalaya baarlamaanka iyo aqalka sare ayaa wasiirka arrintan su’aalo ka weydiiyay.
Waxay xubnaha guddigu sheegeen in Gire Cali uu qaaday tallaabo wadanka ka badbaadisay inuu saameeyo caabuqa coronavirus sidaas awgeedna la doonayo in dowladda ay abaalmarin ku sharafto.
Wasiirka ayaa dhankiisa cusay in eedeysanaha uu dembi sameeyay oo la doonayo in dowladda loo gacan geliyo.
Xildhibaanada ayaa Mr. James Macharia weydiiyay inuu faahfaahin ka bixiyo sida ay ku suurtagashay in wadanka ay timaado diyaarad ka soo duushay Shiinaha oo uu saameynta ugu badan ku reebay caabuqa Coronavirus.
Dhanka kale garsoore Weldon Korir oo ka howlgalo maxkamadda sare ee dalka ayaa sheegay inaan lagu tallaaba qaadi karin amarkii Mr. Gire Cali shaqada looga joojiyay.
Sido kale waxaa uu hoosta ka xarriiqay in saraakiisha ammaanka aan loo ogoleyn inay xabsiga u taxaabaan eedeysanaha.
Mr. Korir ayaa maamulka shirkadda Kenya Airways ku amray inuu sarkaalkan shaqada dib ugu soo celiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here