Wasiirka Gargaarka Soomaaliya oo Dhuusamareeb gaaray

Wafdi uu hoggaaminayo sii hayaha Xilka Wasiirka Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Xukuumadda Federaalka ah Soomaliya Xamsa Saciid Xamsa ayaa Maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.
Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb ku soo dhoweeyay Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Galmudug Cabdiraxman (makaawe), Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Maamulka Galmudug.
Xubnaha Wafdiga ayaa waxa la filayaa in Maamulka Galmudug ay ku wareejiyaan agab muhiim u ah la socdka cimilada iyo tilmaamayaasheeda, waxaana la filayaa inuu la kulmo Madaxda Sare ee Maamulkaasi Galmudug.
Sii hayaha Wasiirka Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaliya Xamsa Saciid Xamsa ayaa shalay Maamulada Koonfur Galbeed & Jubbaland ku wareejiyay qalabka la socoshada isbedelada Cimilada ee Maamulada lagu wareejiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here