Wasiirka Maaliyada Soomaaliya oo la kulmay Duqa Muqdisho.

Wasiirka Wasiirka Wasaarada Maaliyadda Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay inuu xarunta Wasaaradda maaliyadda maanta kula kulmay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish iyo ku-xigeenkiisa arrimaha Maaliyadda Ibraahim Dheere.
Wasiir Beyle ayaa sheegay in arrimaha ay ka wada hadleen ay ugu muhiimsan tahay dar dargelinta howlaha lagu kobcinayo dakhliga dalka iyo sare u qaadista kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya,ayadoo sare loo sii qaadayp wadashaqaynta arimahaas la xiriira.
Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in dhammaantood ay ka go’an tahay in si wadajir ah ay uga wada Shaqeeyaan horumarka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here