Wasiirka maaliyadda ee Turkiga oo is casilay

Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee dalka Turkiga Berat Albayrak ayaa sheegay inuu xafiiska baneynaya.
Arrinkan ayuu ku shaaciyay qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Instagram .
Waxaa uu qoraalku tilmaamaya inuu isku casilay sababo caafimaad kaddib ku dhawaad 5 sano oo uu ka tirsanaan golaha wasiirrada ee wadankaas.
Mr. Berat ayaa intaa ku daray in uu waqti badan la qaadan doono qoyskiisa oo sida uu xusay uu siyaasad kaga mashquulay.
Albayrak ayaa xilkan hayay tan iyo sannadkii 2018-kii wuxuuna horay u soo noqday wasiirka tamarta.
Ilaa iyo hadda ma cadda in madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan uu aqbali doono is casilaadda wasiirka.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here