Wasiirka maaliyadda oo beeniyay inuu qaraabadiisa shaqaaleysiiyo

Wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta qaranka Mr. Ukur Yatani ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar lagu faafiyay baraha bulshada ay ku wada xiriirto isagoo lagu eedeynayo inuu shaqaalaysiiyo qarabadiisa ama dadka ay isku qowmiyadda ka soo jeedaan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in wararkaas ay yihiin kuwo niyad xumo iyo in sumcadiisa la dhaawaco ku saleysan.
Yatani ayaa xusay inuunan awoodiisa u adeegsan in shakhsiyaad gaar ah ay xilal kala duwan ka qabtaan waaxyaha dowladda.
Wasiirka ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadka lagu eedeynayo inuu howlgeliyay ay shaqeynayeen ka hor inta aan isaga la magacaabin.
Qaar ka mid ah madaxda dalka ayaa wasiirka ka difaacay eedeymaha loo soo jeediyay waxayna sheegeen in lagu hayo bartilmaameedsi siyaasadeed oo kaga imaanaya dhanka ismaamulka Marsabit oo uu horay barasaab uga soo noqday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here